Agaasimaha Juventus Arrivabene oo ka hadlay heshiiska Cusub ee Dybala halka uu marayo

Photo/AFP

Agaasimaha kooxda Juventus ee Maurizio Arrivabene ayaa sheegay in wadahadalada heshiis kordhinta ah ee Paulo Dybala ay meel fiican marayaan.

Dybala ayaa niyad jab ka muujiyay qaabka loo maareeyay wada xaajoodka, isagoo qandaraaskiisu dhacayo bisha June.

Laakiin Arrivabene wuxuu yidhi, “Hore waxaan u sheegay inaan ka hadli doono Febraayo.

“Ma ahan kaliya Dybala, sidoo kale waxaa jira qandaraasyo lagala xaajoonayo (Juan) Cuadrado, (Mattia) Perin, European Champion (Federico) Bernardeschi iyo sidoo kale (Mattia) De Sciglio, waxaan horey u sheegnay inay jiri doonto wakhti aan la hadli karno. dhammaan, oo uu ku jiro Dybala.

“Xidhiidh fiican ayaa naga dhexeeya, aad ayay ugu dhaw yihiin Juventus , si degan ayaan u samayn doonaa waxa loo baahan yahay bisha February.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*