Ad
Isbeddelo badan ayaa ka socda gudaha xafiiska hore ee Chelsea .
Kooxda ayaa ku dhawaaqday inay ka tagayo agaasimahooda isgaarsiinta iyo arrimaha guud Steve Atkins.
Ad
lawareegida Todd Boehly iyo Clearlake, Atkins ayaa ka tagaya Chelsea ka dib 14 sano uu joogay kooxda.
Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay diyaarisay agaasimaha kooxda Manchester City Toby Craig si ay u buuxiso booska weyn ee uu banneeyay Atkins, kaasoo ahaa shaqsi saameyn ku leh Stamford Bridge tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Roman Abramovich 2008, sidaas waxaa qortay London Evening Standard .
Bayaan ay soo saartay, Chelsea waxay ku sheegtay in Atkins “uu sii wadi doono inuu u shaqeeyo sidii lataliye sare oo kooxda ah uuna taageeri doono kala guurka bilaha soo socda”.