Ainsley Maitland-Niles oo ku biiri kara kooxda Roma 48 Saacadood gudahood.

Ainsley Maitland-Niles ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Roma isagoo amaah kaga soo tagaya Arsenal 48da saacadood ee soo socda gudahood.

24-sano jirkaan ayaa isku dayay inuu ku qasbo inuu baxo xagaagii hore ka dib markii uu hoos uga dhacay leenka Mikel Arteta.

Maitland-Niles ayaa la fahamsan yahay inuu wadahadalo wax ku ool ah la yeeshay Arteta laakiin xaaladiisa ciyaareed ee garoonka Emirates ma aysan soo fiicnaan xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed, ESPN ayaa ku warameysa in kooxda Jose Mourinho ee Roma ay ku dhowdahay inay amaah kula soo wareegto xiddiga reer England, waxaana ay ku rajo weyn tahay inay heshiiska ku dhammeeyaan 24 ilaa 48 saacadood ee soo socda.

Laacibka heerka caalami ee dalka England ayaa hal gool caawiyey 11 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu kaliya ku soo bilowday laba kulan oo horyaalka Premier League ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*