Home Warar Ciyaaraha Maanta Akhriso Guuldaradii Chelsea Kala Kulantay Man City, Maxaase Ku Helay Blues?

Akhriso Guuldaradii Chelsea Kala Kulantay Man City, Maxaase Ku Helay Blues?

0

Kooxda chelsea ayaa guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyada oo lagu garaacay garoonkeeda Stamford Brdige.

Goolal ay dhaliyeen Haaland iyo Kovacic ayaa hubiyay in ay chelsea ku bilaabatay guuldaro xanuun badan xilli ciyaareedka.

Hadaba maxaa sababay dhibaatada chelsea?

Inkasta oo xilli ciyaareedku bilow yahay hadana waxa jirta dhib weyn oo ka muuqata kooxda chelsea.

Arintu ma ahan tababaraha sida la filayay maadama oo la badalay tababaraha hadana kooxda ayaa wali ah sidii xilli ciyaareedkii hore.

Xiddigaha Kooxda ayaa u muuqda kuwo aan xiiso u qabin in ay u dagaalamaan maaliyada kooxda waxana mid kasta ka muuqda niyad jab inkasta oo uu xilli ciyaareedku bilow yahay.

Dhibta ugu weyn ee chelsea ayaa la odhan karaa waa is faham la’aan u dhexaysa xiddigaha kooxda.

Waxa la arkayay xiddigaha kooxda chelsea oo ay ka muuqato in ay doonayeen in ay ciyaartu horay u dhamaato inkasta oo ay bilow tahay ciyaartu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here