Home Warar Ciyaaraha Maanta Akhriso: Kala Sareynta Champions League-ga Kadib Wareegii 1aad.

Akhriso: Kala Sareynta Champions League-ga Kadib Wareegii 1aad.

0

Waxaa lasoo gaba gabeeyay wareegii koowaad ee tartanka cusub ee  Champions League, hadaba waxaan eegi doonaa natiijooyinka 36-ka kooxood, waxaana xusid mudan in farqiga goolasha uu xilli ciyaareedkan sameeyn weyn yeelan doono.

Tartanka ayaa la balaariyay ololaha 2024-25 qaabkiina waa la bedelay, sidaas darteed kooxuhu hadda waxay wajahayaan siddeed kooxood oo kala duwan , afar guri iyo afar meel ka baxsan , iyadoo dhammaan natiijooyinka oo ay ku kulmiyeen hal miis.

Sideeda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah u galaya wareega 16-ka, sideeda ugu hooseysa ayaa laga ciribtiri doonaa Yurub ilaa xilli ciyaareedka soo socda, halka 16-ka dhexe ay fooda isku daraan ciyaaraha isreebreebka si ay u gaaraan heerka caadiga ah ee knockout-ka.

Iyadoo kulankii 1aad la soo gaba gabeeyay, waxaan aragnaa kooxaha guuleystay oo hogaanka u haya miiska weyn, Bayern Munich ayaana hogaanka u heysa iyagoo uga mahadcelinaya guushii 9-2 ay ka gaareen Dinamo Zagreb, natiijadaas oo keentay in kooxda Croatia ay durba ceyriso tababarahooda.

Celtic ayaa 5-1 kaga badisay Slovan Bratislava halka Bayer Leverkusen ay xalay 4-0 ku garaacday Feyenoord.

Waxaa jiray natiijooyin naxdin leh, iyadoo Barcelona ay guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay AS Monaco, laakiin waxaa lagu soo yareeyay 10 ciyaaryahan ka dib 11 daqiiqo oo kaliya markii kaarka cas loo taagay Eric Garcia.

Juventus waa kooxda kaliya ee Talyaani ah ee guul gaartay kulamadii 1aad CL, kadib markii 3-1 ay kaga badisay PSV Eindhoven, iyadoo Inter ay barbaro 0-0 ah la gashay Manchester City, Atalanta ayaa isla natiijadas oo kale Arsenal ka heshay barbaro, halka Bologna ay ka badisay Shakhtar Donetsk.

Milan ayaa ku jirta kaalinta ugu hoosaysa ka dib guuldaradii 3-1 ee ay ka soo gaartay Liverpool.

Waa kuwaan kala sareynta CL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here