Koobka Aduunka: Waqtiga, Goorta, Goobta, Tirada Dalalka Soo Baxay Iyo Wax Walba Oo Ku Saabsan Isku-aadka Koobka Adduunka 2022

Kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ayay intooda badan soo dhamaadeen, waxaana la isku diyaarinayaa xafladda lagu samaynayo isku-aadka Koobka Adduunka ee waddanka Qatar oo maalin kaddib uu dal kastaa ogaan doono saddexda waddan ee ay isku hormadanoqonayaan.

Shan waddan oo kaliya ayaa la sugayaa inay soo goostaan tigidhka usoo bixitaanka Koobka Adduunka, dhamaan dalalkii kalena mar hore ayaa la xaqiijiyey.

27 waddan ayaa usoo baxay oo Jimcaha ergooyin u diran doona waddanka Qatar, halka shan dal oo kale oo aan wali kala dhamaanin ay si wadar ahaan ah usii geli doonaan isku-aadka.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka Koobka Adduunka Qatar 2022?

Maalinta Jimcaha ee April 1 ayaa xaflad si weyn loo abaabulay lagu qaban doonaa masraxa Doha Exhibition and Convention Center ee magaalada Dooxa ee waddanka Qatar, halkaas ayaana lagu samayn doonaa isku-aadka wareegyada koowaad ee hormooyinka Koobka Adduunka.

32ka waddan ayaa loo qaybin doonaa siddeed hormo oo afarba meel la iskugu geyn doono, waxaana sidoo kale lagu sii jaan-goyn doonaa oo lagu sii shaacin doonaa sida loo ciyaari doono wareegyada xiga ee 16ka, siddeedda, semi-finalka illaa laga gaadhayo finalka.

Waxa la samayn doonaa qori tuur la xidhiidha Group-yada ay waddamada kasoo baxaa isku dhici doonaan iyo sida haddana ay wareegyada xiga iskugu sii aadi doonaan qaramadu.

27ka waddan ee illaa hadda usoo baxay Koobka Adduunka Qatar 2022

  • Qatar
  • Germany
  • Denmark
  • Brazil
  • France
  • Belgium
  • Croatia
  • Spain
  • Serbia
  • England
  • Switzerland
  • Netherlands
  • Argentina
  • Iran
  • South Korea
  • Japan
  • Saudi Arabia
  • Ecuador
  • Uruguay
  • Canada
  • Ghana
  • Senegal
  • Portugal
  • Poland
  • Morocco
  • Tunisia
  • Cameroon

Afarta dhalo ee loo qaybiyey 32ka waddan

Iyadoo la raacayo qiimaynta FIFA, waxa dhalada koowaad oo loo yaqaano Pot A lagu ururiyey dalalka ugu awoodda badan dunida ee ugu sarreeya qiimaynta FIFA, waxaana lagu daray dalka martigelinaya oo ah Qatar. Siddeeddaas dal ayaa dhalada koowaad lagu ururiyey. Dhalada labaad, waxa ku jira siddeedda kale ee qiimaynta FIFA kusii xiga, sidaas ayaanay ku soconaysaa illaa dhalada afraad laga gaadhayo.

Isku-aadka ayaa ku sallaysanaan doona afartan dhalo, waxaana kooxaha  ku wada jira Pot 1 ay noqon doonaan kuwa laga daba filayo. Waxa lagu dari doonaa oo min laba lagaga dhigi doonaa min hal koox oo laga soo saaray dhalada 2 ama Pot 2. Naadiyada saddexaad ee hormo kasta gelaya ayaa noqon doona kuwa Pot 3, halka group-yada ay dhamaystiri doonaan kooxaha Pot 4.

Dhalada 1aad

  • Qatar
  • Belgium
  • Brazil
  • France
  • Argentina
  • England
  • Spain
  • Portugal

Dhalada 2aad

  • Denmark
  • Netherlands
  • Germany
  • Mexico*
  • United States*
  • Switzerland
  • Croatia
  • Uruguay

*if they qualify directly.

Dhalada 3aad

  • Senegal
  • Iran
  • Japan
  • Morocco
  • Serbia
  • Poland
  • South Korea
  • Tunisia or Canada

The team ahead in the ranking on March 31, Canada or Tunisia, will be in Pot 3.

Dhalada 4aad

  • Asia-Conmebol playoff
  • Oceania-Concacaf playoff
  • Repechage Europe
  • Saudi Arabia
  • Ecuador
  • Ghana
  • Cameroon
  • Tunisia or Canada

Waqtiyada la ciyaarayo Koobka Adduunka

– Kulamada wareegga Group-yada: November 21 illaa December 2

– Kulamada wareegga 16ka: 3da illaa 6da December

– Kulamada wareegga siddeedda: 9ka illaa 10ka December

– Kulamada wareegga Semifinalka: December 13 & 14

Kaalmaha saddexaad iyo afraad: December 17

– Finalka: December 18

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*