Home Suuqa Kala iibsiga Akhriso:3 Xiddig Oo Buuxin Kara Khadka Dhexe Ee Arsenal Iyada OO Kooxdu...

Akhriso:3 Xiddig Oo Buuxin Kara Khadka Dhexe Ee Arsenal Iyada OO Kooxdu La Dhibaatoonayso Dhaawacyo

0

Wakhti caadi ah Tababare Mikel Arteta ayaa ku riyoonaya in uu iska garab ciyaarsiiyo xiddigaha Martin Odegard, Declan Rice iyo Mikel Merino khadkiisa dhexe kulanka North London Derby ee horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee nasiib daro tababaraha Arsenal ayaa haatan wayi doona dhamaan 3-da xiddig ee khadka dhexe kulanka Tottenham ee Todobaadka dambe.

Declan Rice ayaa ganaax ku seegi doona halka xiddigaha Odegaard iyo Merino ay dhaawac ku seegi doonaan kulanka.

Haatan Mikel Arteta ayaa u baahan xal kale raadin doona kulanka Tottenham si uu u doorto khadkiisa dhexe.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray 3 xiddig oo ka ciyaari kara khadka dhexe ee kooxda Arsenal kulanka Tottenham maqnaanshaha xiddigaha Martin Odegard, Declan Rice iyo Mikel Merino.

Kai Havertz:

Tijaabadii  Kai Havertz ee khadka dhexe ayaan shaqayn xilli ciyaareedkii hore laakiin xiddigii hore ee chelsea ayaa laga ciyaarsiiyay booska Rice laakiin haatan waxa uu ka ciyaari karaa booska Odegaard ee No.10.

Sidoo kale Leandro Trossard, Gabriel Martinelli iyo Raheem Sterling ayaa dhamaantood ayaa loo dooran karaa doorka No.10 halka xiddigaha Thomas Partey iyo Jorginho ka ciyaari karaan Booska Rice.

Ethan Nwaneri:

Ethan Nwaneri iyo Myles Lewis-Skelly waa labadii xiddig ee ugu dambeeyay ee ka soo baxa Akademiyada waxana ay muujiyeen awoodooda ay kaga qayb gali karaan kooxda 1-aad.

Raheem Sterling:

Sterling ayaa helaya fursadii ugu horeeyay ee uu ku ciyaari karo kulankii ugu horeeyay ee Arsenal waxana uu ka ciyaari karaa No.10 ama khadka dhexe ee weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here