Home Suuqa Kala iibsiga Akhriso:5 Weeraryahan Oo Arsenal Midkood U Dhaqaaqi Karto Saacadaha Ugu Dambeeya Suuqa...

Akhriso:5 Weeraryahan Oo Arsenal Midkood U Dhaqaaqi Karto Saacadaha Ugu Dambeeya Suuqa Xagaaga.

0

Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ay dhamaystirto saxiixa weeraryahan Saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga kadib markii ay kooxdu dhamaystirtay saxiixa Mikel Merino.

Gunners ayaa ku jirtay suuqa kala iibsiga maalmihii ugu dambeeyay iyaag oo ugu dambayn dhamaystiray saxiixa Mikel Merino.

Kooxda ayaa dhaawaca ku wayday xiddiga Gabriel Jesus waxana ay taasi kooxda ku qasbaysaa in ay suuqa dib ugu gasho weeraryahan cusub.

Wargayska The Sun ayaa soo bandhigay 5 weeraryahan oo laga yaabo in ay Arsenal u Dhaqaaqdo Saxiixooda saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga.

Darwin Nunez:

Tababaraha cusub ee Liverpool Slot ayaa u muuqda mid aan ku qanacsanayn weeraryahanka Darwin Nunez waxana uu kaydka dhigay xiddiga labadii kulan ee ay kooxdu ciyaartay taas oo shaki galisay mustaqbalka xiddiga.

Arsenal ayaa laga yaabaa in ay ka faa’iidaysato xaalada una dhaqaaqdo xiddiga 25 jirka ah ee dhaliyay 33 gool 94 kulan tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool.

Victor Osimhen:

Weeraryahanka Napoli ayaa aha mawduuca ugu hadal haynta badan suuqa xagaagan, Arsenal ayaana horay loola xidhiidhinayay xiddiga reer Nigeria.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Napoli waxana ay Arsenal u dhaqaaqi kartaa saxiixa xiddiga inkasta oo lagu heli karo lacag ku dhaw 100 milyan.

Dominic Calvert-Lewin:

Everton ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Dominic Calvert-Lewin oo galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Kooxda Arsenal ayaa horay xiiso ugu muujisay xiddiga 27 jirka ah waxana laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa maalmaha ugu dambeeya.

Alexander Isak:

Xiddigan ayaa lala xidhidhinayay kooxda Arsenal suuqii January 2022 ka hor intii uuna ku soo biirin Newcastle.

Xiddiga ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Newcastle waxana ay Newcastel aqbali kartaa wax ka badan 115 milyan oo euro.

Viktor Gyokeres:

Arsenal ayaa sidoo kale muddo lala xidhiidhinayay saxiixa Gyokeres iyada oo xiddiga xitaa la xidhiidhay wakiiladiisa si ay ugala hadlaan suurtagalnimada uu ugu soo biiri karo kooxda xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here