Home Warar Ciyaaraha Maanta Akhriso:5 Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahantahay Champions League

Akhriso:5 Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahantahay Champions League

0

Waxa maanta bilaaban doona tartanka ugu xiisaha badan kooxaha ee champions League.

Sanadkan waxa uu ka xiiso badan yahay sanadihii hore maadama qaab kale loo badalay tartanka.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyin iyo xog ku saabsan tartanka.

1.23 Kooxood ayaa ku guulayhstay tartanka champions League tan ilaa sanadkii 1955 oo la bilaabay.

2.Real Madrid ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan koobka taariikhda champions League iyaga oo ku guulaystay 15 jeer.

3.Guud ahaan 13 kooxood ayaa tartanka ku guulaystay marar badan waxana ka mid ah Real Madrid, Milan, Bayern Munich, Liverpool, Benfica, Inter Milan, Ajax, Nottingham Forest, Juventus, Manchester United, Porto, Barcelona & Chelsea.

4.19 Kooxood ayaa gaadhay final-ka champions League laakiin aan ku guulaysan tartanka.

5.Kooxaha reer Spain ayaa ah kuwa ugu guulaysiga badan tartanka iyaga oo ku guulaystay 20 koob, kooxaha England ayaa ah kuwa ku xiga waxana ay ku guulaysteen 15 jeer halka kooxaha reer Italy ku xigaan iyaga oo ku guulaystay 12 jeer, Kooxah Germany ayaa 8 jeer ku guulaystay, Netherlands 6 jeer, Portugal, jeer, Scotland, Romania, Yugoslavia, & France min hal jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here