Home Warar Ciyaaraha Maanta Alan Shearer oo sheegay in ay adagtahay in la saadaaliyo kulanka dhexmari...

Alan Shearer oo sheegay in ay adagtahay in la saadaaliyo kulanka dhexmari doona kooxaha Man City iyo Arsenal

0

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa sheegay in ay adagtahay in la saadaaliyo kulanka dhexmari doona kooxaha Man City iyo Arsenal Axada.

Kooxda difaacanaysa premier League ee Man City ayaa marti galin doonta kooxda Arsenal kulan ka dhacaya Etihad Staduim.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo gali doona in ay badiyaan laakiin Shearer ayaa aaminsan in labada kooxood ee ugu fiican horyaalku ay is dhaafi waayi doonaan.

“Hadii aad Arsenal u soo bandhigto Arsenal in hada la siiyo hal dhibic sidii sanadkii hore way qaadanayaan sababta oo ah uma baahna in ay aadaan halkaas oo ay badiyaan”ayuu Shearer yidhi.

“Ärsenal waxa ay ku fiican yihiin difaacashada, waxa ay haystaan 4-ta xiddig ee ugu fiican dhinaca daafaca”.

“Kooxda badinaysa Axada waxa ay ka iman karaan dagaalka u dhexeeya Haaland iyo labada daafac”.

“Waxa aan saadaalinayaa bar-baro, sidaas darteed natiijadaas uma xuma kooxaha”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here