Marco Asensio iyo Isco oo bedel ku soo galay ayaa Real Madrid u xaqiijiyay guushooda Copa Del Rey ciyaar ay ku badiyeen 3-1 wareega 32aad ee koobkan.
Eder Militao ayaa hogaanka u dhiibay Madrid dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta si la mid ah sidii uu sameeyay kulankii sanadkii hore, lakin Dani Vega ayaa goolka bar-baraha u soo celiyay kooxda martida loo ahaa Daqiiqadii 66aad ee qeyta danbe.
kooxda Carlo Ancelotti oo ay ka maqnaayeen Karim Benzema, Thibaut Courtois, Luka Modric iyo Vinicius Junior ayaa hogaanka dib u soo ceshatay waxaana u dhaliyay Asensio Daqiiqadii 76aad ka hor inta uusan goolka Saddexaad iska dhalin J. J. Figueras.
Madrid ayaa ku soo laabanaysa horyaalka La Liga iyada oo garoonkeeda ku soo dhawaynaysa Valencia sabtida, isla maalintasi Alcoyano ayaa la ciyaari doono Castellon.