Alexandre Lacazette oo ku dhawaaqay go’ankiisa kooxda Arsenal ee ku aadan Mustaqbalkiisa

Alexandre Lacazette ayaa shaaca ka qaaday in wakiiladiisa ay qiimeynayaan dookhyadiisa ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo, iyadoo xiddiga reer France uu ku fikirayo inuu ka tago Arsenal .

30-sano jirkaan ayaa wax ka yar lix bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa Emirates Stadium, taasoo la micno ah, sida uu hadda yahay, inuu xor u yahay inuu la xaajoodo kooxo ajnabi ah bilowga 2022.

Barcelona , Atletico Madrid , Newcastle United iyo AC Milan ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo lagu tiriyo inay xiiseynayaan weeraryahankan khibradda leh.

Lacazette ayaa haatan qirtay inuu ku fikirayo inuu ka tago Emirates Stadium, inkastoo uusan diyaar u aheyn inuu wax go’aan ah ka gaaro mustaqbalkiisa ilaa Janaayo.

“Wakiiladeydu waxay bilaabayaan inay eegaan midig iyo bidix, weli waxaa jira su’aalo badan, waxaan doorbidayaa inaan sugo ilaa Janaayo si aan nafteyda u muujiyo,” Lacazette ayaa u sheegay Telefoot .

Lacazette ayaa dhaliyay 68 gool waxaana loo diwangeliyay 29 caawin 180 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu kooxda uga soo dhaqaaqay Lyon bishii Luulyo 2017.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*