Home Warka Xiisaha Leh Alexis Mac Allister oo magacaabay ciyaartoyga ugu xoogga weyn ee kooxdiisa

Alexis Mac Allister oo magacaabay ciyaartoyga ugu xoogga weyn ee kooxdiisa

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa magacaabay ciyaartoyga ugu xoogga weyn ee kooxdiisa, waxaana uu garab maray Virgil van Dijk oo uu xusay inuu jiro ciyaartoy kale oo ka xooggan.

Alexis Mac Allister oo sannadkii hore xulka dalkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa Liverpool ay kasoo iibsatay Brighton & Hove Albion xagaagii, waxaana uu ka mid noqday saxeexyada cusub ee Reds ee xilli-ciyaareedkan oo ay ku wehelinayaan Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch.

Waraysi uu siiyey GOAL, ayaa waxa Alexis Mac Allister lagu weydiiyey ciyaartoyga ugu xooggan kooxdiisa, waxaana uu yidhi: “Haa, Van Dijk ma aha kan ugu xoogga weyn. Waxa aan odhan karaa Mohamed Salah ama Tsimikas weeye.”

Alexis Mac Allister ayaa la weydiiyey in uu sii kala saaro Mohamed Salah iyo Tsimikas, waxaanu ku jawaabay: “Mohamed Salah maalintii oo dhan ayuu gym-ka ku jiraa. Waa kan ugu xoogga weyn.”

Si kastaba ha ahaatee, Alexis Mac Allister ayaa bandhig liita ka sameeyey Molineux Stadium Sabtidii oo ay kooxdiisu guul 3-1 ah kasoo gaadhay Wolves, taas oo lagu saaray waqtigii nasashada.

Previous articlePeter Schmeichel oo weerar ku qaaday difaaca Red Devils ee Lisandro Martinez
Next articlePep Guardiola oo ciyaartoy lama filaan ah u magacaabay ‘xiddig aan la tuuri karin ee kooxdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here