Algeria oo Dalbatay In Lagu Celiyo Kulankii Isreebreebka Koobka Adduunka Ee Cameroon

Xulka Algeria ayaa dalbaday in dib loo ciyaaro kulankii Cameroon ka dib markii laga reebay Koobka Adduunka.

Algeria ayaa lugtii labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka waxay ciyaareysay iyadoo 1-0 ku hogaamineysa madaama ay ku soo badiyeen magaalada Douala isbuucii hore.

Laakiin waxay ku fashilmeen gurigooda kulankii lugta labaad.

Algeria ayaa 1-0 lagu hogaaminayay daqiiqadii 22aad markii Eric Maxim Choupo-Moting uu shabaqa soo taabtay.

Algeria ayaa mooday inay heleen goolka barbaraha daqiiqadii 98aad markii uu Islam Slimani madax ku dhaliyay kubada. Laakiin VAR ayaa muujisay in kubada ay ku dhacday gacantiisa taasoo keentay in goolka la diido.

Ugu danbeyn waa ay heleen goolkii barbaraha ee ay ku soo bixi lahaayeen markii uu Ahmed Touba shabaqa ka soo taabtay goolhaye Andee Onana daqiiqadii 118aad.

Laakiin Ageria ayaa difaacan weysay natiijadaan taasoo u ogolaatay Karl Toko-Ekambi inuu goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 124aad.

Waxay taasi keentay in tababare Djamel Belmadi uu dhulka isku tuuro islamarkaana madaxa dhulka la galo isagoo murugeysan.

Xiriirka kubada cagta Algeria ayaa aaminsan in garsooraha reer Gambia Bakary Gassama inuu sameeyay qalad madaama uu diiday goolkii Slimani.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*