Home Warka Xiisaha Leh Ali Al Bulayhi oo shaaca ka qaaday arrin cajiib ah oo uu...

Ali Al Bulayhi oo shaaca ka qaaday arrin cajiib ah oo uu ka cabsi qabo haddii Lionel Messi suuqa xagaaga kusoo biiro kooxdiisa

0
Ad

Daafaca dhexe ee kooxda Al Hilal ee Ali Al Bulayhi ayaa shaaca ka qaaday arrin cajiib ah oo uu ka cabsi qabo haddii Lionel Messi suuqa xagaaga kusoo biiro kooxdiisa oo si xoogan lhoola xidhiidhinayo.

Al Bulayhi ayaa lagu xasuustaa Koobkii Aduunka kulankii ugu horreeyay ee Argentina ay kahor tagtay Saudi Arabia inuu handaday oo hadalo adag ku yidhi Messi wakhtigaas.

Ad

Ali Al Bulayhi oo kahor wararka Leo la xidhiidhinaya kooxdiisa saxaafada SBC la hadlay ayaa sheegay in Messi Al Hilal ka caydhiyo haddii uu ugu yimaado xagaaga.

“Ma garanayo waxa dhici doona waxaanan ka cabsi qabaa in isagu (Messi) yidhahdo ma doonayo ciyaaryahanka No.5 xidha, ma ogi haddii Messi iman doono balse haddii uu yimaado ilaahay ha i ilaaliyo” ayuu si kaftan ah u yidhi Al Bulayhi oo qoslayaa.

“Haddii uu yimaado Insha Allah kama qayb gali doono tababarada kooxda labada maalmood ee ugu horreeya ilaa aan xaalada meel fog ka indho indheeyo si uu ii ilaawi karo”.

Al Bulayhi ayaa hore u sheegay inuu Messi afcarabi kula hadlay kulankii Koobka Aduunka ku dhex maray una sheegay inuusan xulkiisa Saudi Arabia ka adkaan doonin xataa haddii kulanku wakhti dheer sii socdo.

Messi ayaa la sheegay inuu dalab 400 Milyan oo euro mushaharkiisa sanadlaha ahi yahay ka helay Al Hilal balse wali wax heshiis ah lama gaadhin

Previous articleChelsea Oo Naxdin Kusoo Dhawaysay Pochettino
Next articleTaageerayaasha Manchester United oo xidhiidhka kubadda cagta England ugu baaqaya inay ganaax garka u galiyaan weeraryahanka Man City ee Erling Haaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here