Juventus ayaa samaysay dadaalkii ugu dambeeyay ee ay ku doonaysay weeraryahanka Barcelona Memphis Depay.
Sport ayaa sheegtay in Talaadadii uu kulan la qaatay xubno ka tirsan maamulka ciyaaraha kooxda Turin – agaasimaha ciyaaraha Federico Cherubini, madaxweyne ku xigeenka Pavel Nedved, agaasimaha guud ee Maurizio Arrivabene iyo tababare Massimiliano Allegri – si looga wada hadlo weeraryahanada ay tahay in kooxdu ay tixgeliso.
Laba magac ayaa miiska saarnaa: Memphis Depay iyo weeraryahanka Olympique Marseille Arkadiusz Milik. Tababaraha ‘bianconero’ ayaa taageersan xidiga reer Holland, maadaama uu aaminsan yahay in Vlahovic uu u baahan yahay weeraryahan dhaq-dhaqaaq badan leh, inkastoo ay jiraan khilaafyo ka dhex jira kooxda.
Allegri ayaa ka codsaday kooxda inay sameeyaan dadaal dhaqaale si ay ula soo saxiixdaan Memphis. Sidaa darteed, ‘bianconeri’ ayaa dalabkoodii ugu dambeeyay ee Dutch-ka maanta u gudbin doona qareenkiisa.
Inkasta oo uu Pierre-Emerick Aubameyang ka tagayo kooxda FC Barcelona hadana Blaugrana ayaa ku adkaysanaysa in Memphis uu isaga tago kooxda marka uu furmo suuqan kala iibsiga.