David Alaba oo bedel ku soo galay ayaa dhaliyay laad xor ah oo cajiib ah markii ugu horeysay ee uu taabto kubada iyadoo Real Madrid ay ku bilaabatay difaacashada horyaalka La Liga ka dib markii ay 2-1 kaga badisay Almeria Axadii.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa si liidata ku bilaabatay garoonka Power Horse Stadium ciyaaryahankii hore ee Manchester United Largie Ramazani ayaana hogaanka u dhiibay kooxdiisa Almeria isagoo kubad dhinac ka dhigay goolhayaha Real Madrid goolkaasi ayaana lagu kala nastay.
Madrid ayaa ku dhibtoonaysay in ay hesho goolka barbaraha ka hor inta aanu Lucas Vazquez uusan barbareen goolkaasi daqiiqadii 61aad isagoo bidix ku dhameestiray kubad uu banaanka soo dhigay Benzema
Alaba oo bedelay Ferland Mendy daqiiqadii 74aad ayaa taabashadiisii ​​ugu horeysay ku dhaliyay kubad laad xur ah isagoo ka soo toogtay meel 25 yard u jirta goolka, isagoo seddexda dhibcood farta ka saaray kooxdiisa.
Madrid ayaa marti ku ah Celta Vigo sabtida, halka Almeria ay booqan doonto Elche laba maalmood ka dib.Â