Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Alphonso Davies oo ka tirsan Bayern Munich .
Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda heysata horyaalka Jarmalka 2019, daafaca bidix wuxuu dhaliyay lix gool wuxuuna diiwaan geliyay 21 caawin 134 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Inkastoo uu qandaraas kula jiro Bayern ilaa 2025, sida laga soo xigtay AS , Real Madrid ayaa u aqoonsatay xiddiga heerka caalami ee dalka Canada bartilmaameed mustaqbalka ah.
Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa qorsheyneysa mustaqbalka fog, natiijaduna, waxay eegayaan suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karaan Davies 2024.
Real Madrid ayaa aaminsan in hadii ay dalab ka gudbiso Davies sanad ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa ay u ogolaaneyso inay ku heshiiyaan qiimo jaban.
Halka Los Blancos ay Davies u aragto dooqa koowaad ee dambeedka bidix ee mustaqbalka, Bayern ayaa ka cago jiidi doonta inay iska iibiso 22 jirkaan.