Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo amaah ah ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Alvaro Morata sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa suuqa ugu jira weeraryahan cusub kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo kaas oo ka tagay kooxda dhamaadkii bishii November.
Red Devils ayaa raadinaysa saxiixyo amaah ah oo ay ku xoojiyaan kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Sida laga soo xigtay Todofichajes, Man United ayaa dalab Amaah ah ka gudbisay xiddiga Alvaro Morata si ay ugu xoojiyaan weerarkooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Man United ayaa doonaysa xiddiga Joao Felix laakiin Atletico Madrid ayaa dalbanaysa lacag dhan 8 milyan oo amaah ah si ay u fasaxaan xiddiga.
Laakiin United ayaan awood u lahayn in ay bixiso lacagtaas taas oo keentay in ay dareenkeeda u jeediso saxiixa xiddigii hore ee chelsea ee Alvaro Morata.