Home Warar Ciyaaraha Maanta Amad Diallo oo sheegay war naxdin leh markii uu xaqiijiyay geerida hooyadiis.

Amad Diallo oo sheegay war naxdin leh markii uu xaqiijiyay geerida hooyadiis.

0

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United ayaa fariinta la wadaagay sawirka hooyadiis oo geeriyootay.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Manchester United Amad Diallo ayaa sheegay war naxdin leh markii uu xaqiijiyay geerida hooyadiis.

Xiddiga 22 jirka ah ee ka ciyaara  Premier League ayaa sawirka hooyadiis ka geeriyootay soo dhigay shalay barta Snapchat , isagoo kusoo qoray fariin ahayd : ‘Nabad ku naso hooyo, Alle ha ku naxariisto.’

Ilaa hadda ma cadda in Amad hadda laga saarayo kooxda United kulanka maanta ee Premier League ee ay martida u tahay Brighton & Hove Albion

Laakin waxaa la arki doona saacadaha iyo daqiiqadaha ciyaarta ka hartay.

Laacibkii hore ee Rangers iyo Sunderland ayaa ciyaaray 61 daqiiqo kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Fulham isbuucii hore garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here