Ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig Amadou Haidara ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneynin inuu ka tago kooxdiisa bishaan iyadoo lala xiriirinayo Manchester United .
23-sano jirkaan – oo hadda ku maqan waajibaadka Koobka Qaramada Afrika isagoo ka tirsan xulka Mali – ayaa loo aqoonsaday inuu yahay bartilmaameedka ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick .
Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan u dhaqaaqida Old Trafford ee bisha January ayaa qaboojisay usbuucyadii dhawaa, inkastoo Man United sidoo kale lagu xamanayay inay Jude Bellingham , Declan Rice iyo Denis Zakaria u eegi doonto khadka dhexe.
Kala iibsiga jiilaalka ee Haidara ayaa hadda u muuqda inuu ku dhintay biyaha, sida Daily Mail ay sheegtay in ciyaaryahankii hore ee Red Bull Salzburg uu doonayo inuu xilli ciyaareedka la qaato Leipzig.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Haidara – oo sidoo kale lala xiriirinayo Newcastle United – uu ka fiirsan doono inuu u dhaqaaqo mustaqbalkiisa soo socda xagaaga, markaasoo 33 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Haidara ayaa loo diiwaan galiyay seddex gool 18 kulan oo uu u saftay RB Leipzig tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu kooxda Bundesliga kula jiraa ilaa 2025