
Real Madrid ayaa xalay guul 2-0 ah kasoo gaadhay kooxda Athletic Bilbao oo ay ku booqatay gegida dhibta badan ee San Mames.
Madrid ayaa si fiican ula tacaashay cadaadiskii Bilbao kahor inta uusan Karim Benzema hoggaanka u dhiibin, Toni Kroos oo bedel ku yimid ayaa dhammaystiray goolka dambe.
Guushaas ayaa ka dhigan in Los Blancos ay joogteeyeen cadaadiska ay ku hayaan kooxda hoggaanka La Liga haysa ee Barcelona oo isla xalay Getafe 1-0 kaga adkaatay walina saddex dhibcood ku horkacaysa Madrid.
Ancelotti ayaa kulankaas kaddib muujiyay sida uu ugu farxay guushaas, tababaraha Talyaaniga ah ayaa ka warqaba adayga kulamada kusoo socda ee uu ugu horreeyo midka Copa Del Rey ee Real Madrid.
Kulanka kaddib ayuu Carlo oo la hadlay wargeyska Marca si gaar ah u amaanay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Eduardo Camavinga oo uu sheegay inuu mid cajiib ah ahaa xalay.
Be the first to comment