Ancelotti oo shaaca ka qaaday sababta uu u diiday shaqada tababarenimo ee Manchester United

Tababaraha reer Talyaani ayaa loo soo bandhigay shaqada kooxda ku ciyaarta Old Trafford ee Manchester united laakiin waxaa lagu qasbay inuu diido Laakin Tabaraha reer Talyaani kooxda Everton Carlo Ancelotti ayaa qirtay inuu diiday fursad uu ku maamuli lahaa Manchester United sababtoo ah wuxuu qarka u saarnaa inuu qabto shaqada tababarenimo ee Real Madrid.

Kahor kulanka caawa ay wajahaan Carabao Cup quarter-final-kiisa oo ay Red Devils ku wajahayaan Goodison Park, tababaraha Toffees ayaa shaaca ka qaaday inuu loo soo bandhigay shaqada Old Trafford Sir Alex Ferguson kahor halyeeyga reer Scotland ee howlgab noqda Laakiin Ancelotti ayaa qarka u fuulay inuu aqbalo doorka hogaamineed ee kooxda Los Blancos waxaana lagu qasbay inuu diido dalabkaas, iyadoo aysan jirin fursad kale oo uu kula biiro Red Devils tan iyo wixii ka dambeeyay.

Everton ayaa meel sare ka joogta Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan  iyadoo kooxda ka dhisan Merseyside ay fadhiso booska afaraad ka dib 14 kulan oo la ciyaaray Toffees ayaa la kulantay Man Utd hal jeer xilli ciyaareedkan – horyaalka bishii Nofeembar iyadoo kooxda Ancelott ay 1-0 ku hoggaaminayso qeybihii ugu horreeyay ka hor inta aysan Red Devils laba jeer shabaqa soo taaban si ay ugu dambeyn ugu badiso 3-1.

Ancelotti ayaa sharraxay tixgelinta uu u hayo kooxda Red Devils, isagoo tilmaamaya inuu ka garab dhigay qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn kubbadda cagta adduunka. “Haa dabcan Manchester United waa koox fantastik ah, koox fantastik ah waxaan la dagaalamay marar badan markii Sir Alex uu joogay, markii aan joogay Chelseaayuu yiri Anceloti.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*