Andrea Pirlo oo si Adag uga Hadlay Shaqadiisa Kooxda Juventus Iyo Mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa ku adkeysanaya inuu ka walwalsaneen mustaqbalkiisa, inkastoo kooxda ay ku guuldareysatay inay hanato horyaalkeedii 10aad ee isku xigta ee Serie A.

Juve – oo haatan fadhisa kaalinta afaraad ee kala sarreynta , ayaa 13 dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka heysa iyadoo afar ciyaarood ka harsantahay inay dheesho – waxay garaacday Udinese 2-1 oo ay ku martisay gurigeeda dhammaadkii usbuucii hore, laakiin rajadii ay ka qabeen xaqiijinta Scudetto ayaa haatan dhammaatay iyadoo Inter Milan la xaqiijiyey inay hanatay horyaalka. markii ugu horreysay tan iyo 2009-10.

Pirlo ayaa ku guuldareystay inuu guuleysto 17 ka mid ah 47 kulan oo uu hogaaminayay Old Lady tan iyo markii loo magacaabay bishii Ogosto 2020, laakiin tababaraha reer Talyaani ayaa kalsooni ku qaba inuu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

“Waan ku xasiloonnahay shaqadeyda. Waxaan la hadlay milkiilayaasha maalin dhaweyd. Maahan markii ugu horeysay oo ay yimaadaan, horey ayey u dhacday seddex ama afar jeer wax walbana waan ka wada hadalnay,” Pirlo ayaa yiri guusha Udinese kadib.

“Waan ku xasiloonnahay shaqadeyda, Wax saameyn ah iguma lahan wararka xanta. Waxaan diirada saarayaa waxa aan haysto.

Juventus ayaa wali fursad ugu jirta hanashada koobkan xilli ay wajihi doonaan Atalanta finalka Coppa Italia dhamaadka bishaan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*