Andy Cole oo Manchester United u jeediyay Codsi ku aadan Jesse Lingard

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Weeraryahanka Andy Cole ayaa ugu baaqay Red Devils ay u oggolaadaan Jesse Lingard inuu kooxda ka tago si joogta ah xagaagan.

28 jirkaan ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed dib u dhigay tan iyo markii uu amaah ugu dhaqaaqay West Ham United bishii Janaayo, isagoo dhaliyay sideed gool iyo afar caawin sagaal kulan oo Premier League ah oo uu u saftay kooxda macalin David Moyes.

Ilo wareed ka tirsan West Ham ayaa xaqiijiyay inay kooxdu sameyn doonto “wax walba oo ay ku qaadato” inay Lingard kula soo wareegto heshiis joogto ah xagaagan, Cole ayaa aaminsan in la joogo waqtigii ay Man United lacag ku heli lahayd xiddiga reer England.

Isaga oo la hadlaya talkSPORT Cole ayuu yidhi “Fursada uu amaah ugu aadi karo West Ham waxaay timid wakhti cajiib ah..

“Hada Manchester United waxay leedahay go’aanay dib ugu ceshato ama iska iibiso xagaaga lacag yar oo ka badan intii la filaayay?

Man United ayaa ku qiimeneysa Lingard 30 milyan oo ginni .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*