Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Ange Postecoglou ayaa ku guuleystay abaalmarinta macalinka bisha Agoosto 2023.
58-sano jirkaan ayaa Spurs kaga soo biiray Celtic bishii June isagoo noqday bedelka joogtada ah ee Antonio Conte, waxaana uu nolol wanaagsan ku bilowday waayihiisa Waqooyiga London.
Inkasta oo ay lumiyeen gooldhaliyahoodii abid ugu goolasha badnaa ee Harry Kane oo ku biiray kooxda Bayern Munich hal maalin ka hor bilowga xilli ciyaareedka Premier League, kooxda Postecoglou ee Tottenham ayaa ku dhameysatay bisha Agoosto iyadoo aan laga badinin.
Waxa ay xilli ciyaareedka ku bilowdeen barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Brentford ka hor inta aysan helin guushoodii ugu horeysay usbuuc ka dib iyagoo gurigooda 2-0 uga badiyay Manchester United.
Tottenham ayaa markaas 2-0 kaga badisay Bournemouth bishii Agoosto. Waxa ay hadda fadhiyaan kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyagoo 5-2 ku garaacay Burnley ka hor kulamada caalamiga ah ee Sebtember.
Postecoglou waa Gariigii iyo Australian-kii ugu horeeyay abid ee tababare ka noqdo Premier League, wuxuuna noqday mid ay taageere si weyn u jecel yihiin madaama Tottenham ay ciyaareyso kubad soo jiidasho leh.
Waxa ay ku soo laabanayaan garoomada berri oo Sabti ah marka ay gurigooda kula ciyaaraan Sheffield United ka hor inta aysan u safrin kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London ee Arsenal axada soo socota