Anthony Martial iyo Alexandre Lacazette oo ugu Horeeya Liiska Juventus ee Suuqa kala iibsiga

Anthony Martial iyo Alexandre Lacazette ayaa labadoodaba lagu soo waramayaa inay bartilmaameed u yihiin Juventus haddii ay ku guuldareystaan ​​soo xerogelinta Dusan Vlahovic.

Marwada duqda ah ayaa labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham kula dagaalamaysa saxiixa weeraryahanka reer Serbia ee Fiorentina.

21-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2023, waxaana uu ilaa hadda diidan yahay inuu qalinka ku duugo heshiis kordhin, taasoo keentay in la isla dhex maro inuu dhawaan ku tagi karo 68 milyan ginni.

Juventus ayaa si aad ah u doonaysa in ay xiddigan kala wareegto kooxda ay xafiiltamaan ee Serie A- si kastaba ha ahaatee waxa ay sidoo kale diyaariyeen liis shan ah oo badal ah.

Calciomercato ayaa sheegtay in tababare Max Allegri uu dookhyo kale u calaamadsaday labada xiddig  Martial iyo Lacazette ee Arsenal.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*