Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu ka maqnaan doono Manchester United kulanka furitaanka Premier League ee 2022-23 ee ay la ciyaarayaan Brighton & Hove Albion galabnimada Axada dhaawac dartiis.
Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ku soo laabtay Old Trafford horaantii xagaagan ka dib markii uu amaah ugu maqnaa Sevilla qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka 2021-22.
Martial ayaa la filayay in Red Devils ay iska iibiso ka hor xilli ciyaareedka cusub, laakiin Cristiano Ronaldo oo ka maqnaa safarkii xilli ciyaareedka cusub ee kooxda ayaa albaabka u furay weeraryahanka inuu wacdaro dhigo.
Da’yarkii hore ee Monaco ayaa dhaliyay seddex gool afar kulan oo uu safarka ku jiray, waxaana lagu waday inuu ololahan ku bilaabo weerarka dhexe ee Man United, iyadoo Ronaldo uusan weli ku degdegin dhanka taam ahaanshiyaha.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic , dhibaato muruqa ah ayaa ka saari doonta Martial kulanka Brighton, taasoo keeni karta in Ronaldo uu ku soo bilowdo inkastoo xaqiiqda ah in Portuguese-ka uu ciyaaray kaliya qeybta hore intii lagu jiray xilli ciyaareedka.