Antonio Rudiger oo Cadeeyay Kooxda uu ku biirayo Midkood Real Madrid ama Paris Saint-Germain.

Daafaca Chelsea Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa inuu door bidi lahaa u dhaqaaqista Real Madrid halkii uu ka jeclaan lahaa Paris Saint-Germain .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa galay lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa Stamford Bridge, waxaana uu xor u yahay inuu bilaabo wada xaajoodka kooxaha ajnabiga ah ee ku saabsan heshiis horudhac ah.

Real Madrid iyo PSG ayaa la rumeysan yahay inay yihiin labo ka mid ah afar kooxood oo xiiseenaya Rudiger, iyadoo Bayern Munich iyo Juventus sidoo kale la sheegay inay ku jiraan tartanka.

PSG ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay heshiis u gudbisay xiddigii hore ee Roma, laakiin Foot Mercato ayaa ku warameysa in uu qalbigiisa ku sii jeedo u dhaqaaqista Real Madrid.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in qandaraaska PSG uu Rudiger ku jeebka ku shuban doono €7m (£5.9m) sanadkiiba garoonka Parc des Princes, laakiin waxaa laga yaabaa inuu diyaar u yahay inuu helo lacag yar si uu ugu biiro Real Madrid.

28-sano jirkaan ayaa weli qeyb muhiim ah ka ah kooxda Thomas Tuchel isagoo ku soo bilowday 20 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu ka qeyb qaatay labo gool iyo labo caawin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*