Home Wararka Ciyaaraha Antony oo seegay tababarka Ajax iyadoo lala xiriirinayo Manchester United

Antony oo seegay tababarka Ajax iyadoo lala xiriirinayo Manchester United

0

Weeraryahanka Ajax Antony ayaa ka maqnaa tababarkii ugu horeeyay ee kooxda Amsterdam ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka jimcihii iyadoo lala xiriirinayo inuu u wareegayo Manchester United .
22 jirkaan ayaa u soo muuqday mid ka mid ah weeraryahanadii muhiimka ahaa ee Erik ten Hag intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, waxaana la saadaaliyay inuu dib ula midoobi doono xiddiga reer Holland garoonka Old Trafford.

Alfred Schreuder ayaa la wareegay Ajax ka dib markii uu u wareegay Ten Hag Manchester, 49 jirkaan ayaa xaqiijiyay inuu aad u doonayo inuu sii haysto adeega Antony.

“Waxaan dooneynaa inaan Antony ku sii heyno Ajax, wuxuu heystaa qandaraas ilaa 2025, waxaan rabaa inaan la shaqeeyo, kooxduna waa ay ogtahay,” Schreuder ayaa u sheegay ESPN mar wax laga weydiiyay mustaqbalka Brazilian-ka.

Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa ku jira mustaqbalka Antony kadib markii da’yarkii hore ee Sao Paulo uusan soo xaadirin tababarka xilli ciyaareedka isku diyaarinta jimcihii.

Previous articleDaafaca Brighton Cucurella ayaa meesha ka saaray in Man City ay la soo wareegi karto
Next articleXavi oo si shaqsi ah uga codsaday Dembele inuu sii joogo Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here