Wakiilka xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Antony ayaa xaqiijiyay inay run tahay wararka muujinaya xiisaha Liverpool ay u qabto saxiixa xiddiga reer Brazil sanadka 2022.
Waxaa soo baxday in tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp doonayay in uu la soo saxiixdo xiddiga Antony si uu ugu badalo Mohamed Salah markii uu joogay kooxda.
Salah ayaa ugu dambeyntii saxiixay heshiis cusub xagaagii, ilaa 2025, ka dibna Antony ayaa 82 milyan ugu biiray kooxda Man United.
Markii wax laga weydiiyay warbixinta, wakiilka Antony Junior Pedroso ayaa u sheegay winwin: “Haa, sheekadani waxay ku saleysan tahay runta”.
“Salah waxa uu cusboonaysiiyay heshiiskiisa wakhtigaas taas ayaana ka dhigtay in Antony uuna u dhaqaaqin Liverpool”.