Walaac ayaa ka dhashay taam ahaanshaha Lionel Messi ka dib markii weeraryahanka Argentina uusan tababar la qaadan asxaabtiisa kaliya afar maalmood ka hor inta aysan La Seleccion bilaabmin ololahooda Koobka Adduunka.
Argentina ayaa wajihi doonta Saudi Arabia Talaadada kulankooda ugu horeeya ee Qatar, waxaana durbadiiba kooxda laga diray Joaquin Correa iyo Nicolas Gonzalez kuwaasi oo dhaawac ahaan loogu diray dalkooda.
Laakiin waxa ay u muuqataa in tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni aanu wax khatar ah gelinayn taam ahaanshaha weeraryahankiisa, sida laga soo xigtay majaladda Marca, 35-jirkan ayaa 10 daqiiqo soo daahay garoonka tababarka jimcihii, mana uusan tababar la qaadan ciyaartoydii kale ee ay isku kooxda ahaayeen.
Messi ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuusan kubad ku tababarin sidoo kale, laakiin wararka ka imaanaya xerada Argentina ayaa ah mid wanaagsan, iyadoo Marca ay warineyso in Argentina ay ‘xaqiijiyaan’ in ciyaaryahanka todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu taam u yahay inuu ciyaaro Talaadada.
Superstar-ka kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac ka soo gaaray ‘Achilles’ xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa laba todobaad ka hor