Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa xaqiijiyay in ciyaartoyda dhaawaca ku maqnaa ay dib ugu soo laaban doonaan kooxda kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, taasoo ka dhigan inaysan taam u ahayn kulanka todobaadkan.
Kooxda Reds ayaa kusoo dhaweyn doonta Aston Villa garoonka Anfield galabnimada Sabtida ee horyaalka Premier League, waana kulankoodii ugu dambeeyay kahor fasaxa ugu dambeeya ee sanadka. Kadib guushii xoogganeyd ee ay ka gaareen Bayer Leverkusen usbuucii hore, Slot wuxuu doonayaa inuu sii wado qaab ciyaareedka wanaagsan si ay u sii haystaan hoggaanka horyaalka.
Dhanka kale, Villa ayaa ku jirta waqti adag; waxay guuldarro kala kulmeen Brugge tartanka Champions League, taasoo ay uga sii horeeyeen labo guuldarro oo xiriir ah horyaalka (Tottenham) iyo EFL Cup-ka (Crystal Palace).
Slot ayaa xaqiijiyay in Diogo Jota uu soo laaban doono usbuuca koowaad ama kan labaad kadib fasaxa caalamiga ah, kaddib markii uu maqnaa tan iyo 20-kii Oktoobar markii ay Chelsea ku garaaceen Anfield.
Harvey Elliott oo inta badan xilli ciyaareedkan maqnaa ayaa markii ugu dambeysay kursiga keydka kasoo muuqday guushii Brentford bishii August. Dhaawac canqowga ah ayaa sabab u ahaa maqnaanshihiisa, balse wuxuu diyaar u yahay inuu soo laabto kadib fasaxa caalamiga ah.