Home Wararka Ciyaaraha Arsenal 0-2 Liverpool Jota oo Reds ka Caawiyay finalka Koobka EFL Cupka

Arsenal 0-2 Liverpool Jota oo Reds ka Caawiyay finalka Koobka EFL Cupka

0
Ad

Diogo Jota ayaa Liverpool u saaray finalka EFL Cupka kadib markii uu laba gool dhaliyay wuxuuna 2-0 kaga badiyay Arsenal, kaasoo lugtii labaad ee semi-finalka ku dhameystay 10 ciyaaryahan.

Liverpool ayaa Wembley kula ciyaari doonta kooxda Chelsea finalkii 13-aad ee EFL Cup-ka inkasta oo ay noqon doonto markii ugu horaysay ee ay ka soo muuqdaan bandhiga tan iyo sanadkii 2016 kii. 

Ad

Daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta Jota ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool, kadib markii uu kubad awood badan Shabaqa dhex dhigay. 

Liverpool ayaa ciyaarta ku soo afjartay goolkeeda labaad markii hore ayaa loo maleenayay offside Lakin Var ayaa Laashay ka dib markii Jota uu Kubad ka dul qaaday Goolhayaha, iyadoo niyad jabka Gunners ay sii kordhisay Markii Ciyaarta laga saaray Thomas Partey.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier League Axada, markaas oo Liverpool ay ku soo laabatay London si ay ula ciyaarto Crystal Palace.

Previous articleParis Saint-Germain oo kalsooni ku qabto Zinedine Zidane inay u magacowdo macalinka kooxda.
Next articleIvory Coast, Tunisia iyo Xulalka kale ee Xalay u soo Baxay Wareega 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here