Arsenal 2-0 Newcastle United, Gunners oo ku Ciil baxday Kooxda Newcastle

kooxda Arsenal ayaa guul ka gaartay kooxda Newcastle United iyagoo ugu badiyay 2-0 waxana ay iska masaxeen guuldaradii Liverpool.

Goolal ay kala dhaliyeen Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli ayaa Gunners ugu filneyd guusha ay gaartay galabta.

Bukayo Saka ayaa daqiiqaddii 56aad ee qaybta labaad hoggaanka u dhiibay Arsenal kaddib markii uu dhamaystiray kubbad ay kasoo shaqeeyeen Smith Rowe iyo Tavares oo uu ka helay laynka, taas oo uu lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Dubravka.

Saka ayaa dhaawac ku baxay waxyar kaddib markii uu dhaliyey goolka ay sida weyn ugu dabbaal-degtay kooxdiisu, waxaana lagu soo beddelay Gabriel Martinelli oo kasoo doogay dhaawacyo daashaday.

Xiddiga reer Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa daqiiqad kaliya markii uu ku jiray ciyaarta waxa uu dhaliyey goolka labaad ee Arsenal oo ahaa mid qurux badan oo uu si fudud uga dul-qaaday Dubravka kubbad uu meel fog uga soo tuuray  Tomiyasu, taas oo uu difaaca kaga  dheereeyey orod.

Xiddiga reer Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa daqiiqad kaliya markii uu ku jiray ciyaarta waxa uu dhaliyey goolka labaad ee Arsenal oo ahaa mid qurux badan oo uu si fudud uga dul-qaaday Dubravka kubbad uu meel fog uga soo tuuray  Tomiyasu, taas oo uu difaaca kaga  dheereeyey orod kaga dheereeyey.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*