Home Horyaalka Ingiriiska Arsenal 3-1 Tottenham: Kooxda Gunners oo garaacday Spurs oo afar dhibcood...

Arsenal 3-1 Tottenham: Kooxda Gunners oo garaacday Spurs oo afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay

0

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaanka horyaalka Premeir League sii dheeraysataya, kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen toban ciyaartoy oo Tottenham ah oo ay dhex jiid-jiideen Emirates Stadium, kulan ay xiddigaha Arsenal soo bandhigeen ciyaar tayadeedu sarrayso oo ay muujiyeen in ay u qalmaan in ay hoggaanka kali ku ahaadaan.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Thomas Partey, Gabriel Jesus iyo Granit Xhaka ayaa Arsenal siiyey guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda ay isku xaaafadda yihiin ee uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo.

Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa shantii daqiiqadood ee ugu horreeyeyba heshay laba fursadood, hase yeeshee Richarlison ayaa lugta geliyey kubbad goolka hortiisa lasoo dhigay oo uu si dhib badan ku tiigsaday goolhaye Aaron Ramsdale oo koorne u saaray, ka hor intii aanu Son isku tijaabin kubbad uu goolka la seegay.

Xiddiga  khadka dhexe ee reer Ghana ee Thomas Partey ayaa noqday shimbirka goolka aftaxa ah u dhaliyey Gunners, isla  markaana khadka dhexe u diiday Spurs in ay ka ciyaarto, waxaana ciyaarta oo 20 daqiiqadood socota uu darbad xooggan ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka yahay Hugo Lloris.

Tottenham ayaa rikoodhe loo dhigay sagaal daqiiqadood kaddib goolka uu saxeexay Partey, kaddib markii uu Gabriel xerada ganaaxa ku riday laacibka ay isku waddanka yihiin ee Richarlison, waxaanu garsooruhu markiiba tilmaamay rikoodhe.

Harry Kane oo is-dejiyey ayaa soo qaatay kubadda, waxaana uu toogtay badhtamaha goolka iyadoo uu Ramsdale isku tuuray dhinaca midig, sidaas  ayaanay ciyaartu ku noqotay 1-1 daqiiqaddii 29aad.

Arsenal ayaa dardar ka qaadday goolka laga dhaliyey, waxaana isku-taabashadii koowaadba ay Gunners kubadda u tuurtay dhinaca weerarka iyaga oo la raadsanayay Bukayo Saka oo dhinaca midig ka ciyaarayay, hase yeeshee dedaalkooda wax klae oo gool ah kuma aanay keenin, waxaanay qaybta hore kusoo xidhantay 1-1 ay labada kooxood ku kala nasteen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Arsenal dib usoo ceshatay hoggaanka horyaalka, waxaanay ka faa’iidaysteen qalad uu sameeyey goolhaye Hugo Lloris oo kubbad ay kubaddu ka hoos baxday, taas oo uu ka boobay Gabriel Jesus oo shabaqa ku hubsaday.

Tottenham ayaa is-dhiibtay daqiiqaddii 62aad, markaas oo kaadh casaan ah oo doqoniimo ah uu qaatay difaaca midig ee Emerson Royal oo lugta kaga istaagay Gabriel Martinelli, taas oo keentay in garsooruhu uu casaan toos ah siiyo Emerson.

 

 

 

Previous articleTababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo soo bandhigay qorshihiisa Koobka Adduunka
Next articleArsenal oo guul ka gaartay kooxda Tottenham Hogaankana sii dheereesatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here