Arsenal 4-2 Leicester City: Jesus oo ku soo bilowday garoonkooda Gunners.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guushii labaadd kasoo hoysay horyaalkaa Premier League ee xilli ciyaareedkan, kulankii labaad ee ay dheeshay, waxaanay garoonka Emirates Stadium ku karbaashtay Leicester City oo qaladaad xun-xun sameysay, isla markaana goolhayaheedu hadiyado siiyey Arsenal.

Ciyaartan oo uu Mikel Arteta kusoo bilaabay safkii usbuucii hore guusha kasoo hooyey kulankii Crystal Palace ayaa qaybtii horeba xaqiiqsaday inay guuleysanayaan, kaddib laba gool oo uu dhaliyey Gabriel Jesus iyo laba gool oo kale oo ay qaybtii labaad raaciyeen Granit Xhaka iyo Gabriel Martinelli, halka Leicester ay la timid laba gool iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay 4-2

Daqiiqaddii 23aad ayuu Gabriel Jesus kubbad uu ka helay xerada ganaaxa waxa uu ka dul-qaaday goolhaye Ward oo kasoo baxay goolkiisa, waxaana uu mid labaad ku daray 12 daqiiqadood kaddib, iyadoo qaybta hore ee ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-0 ay hoggaanka la nasatay kooxda garoonkeeda la joogay ee Arsenal

Mikel Arteta oo ay kooxdiisu inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa u qalmaysay inay hesho goolal intaas ka badan qaybta hore, waxaana fursad dahabi ahayd ka lumiyey Granit Xhaka oo madax ku qabtay kubbad uu Bukayo Saka goolka hortiisa u dhigay taas oo kaga dhacday birta.

Sidoo kale, Gabriel Jesus ayaa uu goolhaye Ward ka dafiray kubbad loo qaatay inay tahay gool oo ay jamaahiirta Arsenal ugu diyaar-garoobeen inay u dabbaal-degaan.

Leicester City ayaa ku doodday inay heshay rikoodhe dhamaadka qaybta hore, kaddib markii uu Jamie Vardy kubbad la galay xerada ganaaxa isla markaana uu goolhaye Aaron Ramsdale uu taabtay jidhkiisa, kaddibna dhulka isku tuuray, balse waxa go’aanka beddelay VAR oo diidday in rikoodhahaas la siiyo Leicester City.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay siddeed daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Leicester City niyadda gashatay in ay dhibic ka heli doonto ciyaarta, kaddib markii uu difaaca Arsenal ee William Saliba uu iskaga dhaliyey kubbad.

William Saliba oo ahaa xiddigii ugu fiicnaa ciyaartii Crystal Palace ayaa markiiba nafisay oo ay ka baxsaday cabsigii ka haysatay in laga daba yimaaddo kooxdiisa, waxaana ka furfurtay Granit Xhaka oo Arsenal u dhaliyey gool saddexaad.

Kubbad uu goolhaye Ward gacanta ku qabsaday laakiin ka dhacday ayaa uu Granit Xhaka ka hor qaatay oo uu goolkiisa u weydaariyey, taas oo keentay in jamaahiirta Leicester City ay durba u baroortaan Kasper Schmeichel oo ka tegay xagaagan.

Saliba ayaa daqiiqaddii 70aad badbaadiyey kubbad halis ahayd oo la weydaariyey goolhaye Ramsdale, waxaanu galadkiisii ku saxay badbaadadaas weyn.

Leicester City ayaa la timid gool labaad daqiiqaddii 73aad, waxaana u dhaliyey kubbad-sameeyaha reer England ee Maddison oo kubbad awood badan wku hubsaday shabaqa, taas oo goolhayaha iyo difaacyadii hor taagnaaba ay awoodi waayeen in ay joojiyaan.

Wax badan kuma aanay qaadanin Arsenal in ay ka jawaabto goolkaas, waxaana laba daqiiqadood oo kaliya kaddib gool qurux badan u dhaliyey Gabriel Martinelli oo kubbad uu lugtiisa diciifka ah ee bidix kaga toogtay bannaanka uu goolhaye Ward awoodi waayey in uu joojiyo.

Gabriel Jesus iyo Bukayo Saka ayaa dayacay fursad dahabi ahayd, iyadoo da’yarka reer England uu kala soo galay dhinaca midig oo uu goolhayuhu badbaadiyey ka hor intii aanay kubaddu u tegin Jesus oo meel cidlo ah taagan laakiin goolka dhinac mariyey.

Arsenal ayaa birta garaacday mar kale inkasta oo uu garsooruhu tilmaamay inay ahayd offside, balse Gabriel Magalhaes ayaa isaguna lugta la waayey kubbad meel fog looga soo tuuray.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Arsenal, waxaanay sidaas ku yeelatay lix dhibcood iyo afar gool, waxaanay ku jiraan kaalinta labaad

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*