Arsenal ayaa go’aansatay inay ka harto u dhaqaaqda ciyaaryahanka Real Madrid Isco.

Photo/Reuters

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay soo afjartay xiisihii ay u qabtay kubadsameeyaha Real Madrid Isco .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Bernabeu ka dib markii uu boos joogto ah ka waayey tababare Zinedine Zidane , isagoo keliya seddex kulan oo La Liga ah ku soo bilowday xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Arsenal ay baahi weyn u qabto hal abuurka Gunners ayaa loo saadaaliyay inay u dhaqaaqdo saxiixa Isco bisha Janaayo, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain uu qarka u saaran yahay inuu galo 18 kii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa Real Madrid.

Yeelkeede, Daily Star ayaa warinaysa in Isco uu aad u daneynayo inuu ku biiro koox ku tartameysa Champions League, Arsenal-na ay ka baxday loolanka loogu jiro saxiixa kubadsameeyaha oo hadda la filayo inuu qalinka ku duugo heshiis uu kula biirayo Juventus .

Gunners ayaa u aragtay saaxiibkiisa Isco Vinicius Junior inuu yahay bedelka ugu macquulsan, iyadoo Real Madrid la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay amaah ku fasaxdo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil bisha Janaayo.

Isco ayaa diiwan galiyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkaan fiidnimadii Arbacada markii uu ka soo kacay kursiga keydka si uu u caawiyo Karim Benzema kulankii ay Los Blancos 2-0 kaga badisay Granada

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*