Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay kaga Horeyso Barcelona tartanka loogu jiro saxiixa xidiga Real Sociedad Alexander Isak .
22 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Basque intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22 isaga oo dhaliyay 7 gool waxana uu ka qayb qaatay laba caawin 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Mustaqbalka Isak ayaa ahaa mowduuca si weyn loo hadal hayay todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo kooxda La Liga ka dhisan ay wajaheyso dagaal ay ku ceshaneyso, inkastoo uu weeraryahanka qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah bishii Luulyo.
Sida laga soo xigtay El Nacional , Real Sociedad diyaar uma aha inay Barcelona ka iibiso weeraryahanka, taasoo la micno ah in Arsenal ay hogaanka u hayso saxiixiisa.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden – ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Juventus – wuxuu dhaliyay 40 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 7 caawin 111 kulan oo uu u saftay Real Sociedad tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Borussia Dortmund 2019.