Arsenal ayaa weli xiiseyneysa Emiliano Buendia

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Norwich City Emiliano Buendia ayaa lagu soo waramayaa in uu wali bartilmaameed u yahay kooxda Arsenal .

Gunners ayaa qarka u saaran inay heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah kula soo saxiixato kubadsameeyaha Real Madrid Martin Odegaard , taasoo soo afjaraysa rajo kasta oo macquul ah oo ay ku heli laheyd Buendia bisha Janaayo.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay football.london , Mikel Arteta iyo agaasimaha farsamada Edu ayaa wali doonaya inay ugu dambeyn la saxiixdaan Buendia.

Norwich ayaa la sheegayaa inay ku dalbaneyso aduun dhan m 40m si ay u hesho laacibka reer Argentina, kaasoo ka qeyb qaatay 7 gool iyo lix caawin Championship xilli ciyaareedkan.

Buendia wali wuxuu heystaa seddex sano iyo bar qandaraaskiisa, taasoo ka dhigeysa in Canaries ay ku jirto boos adag oo la xiriira mustaqbalkiisa.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*