Arsenal iyo Chelsea ayaa ku biiray tartanka ay Man United ugu jirto saxiixa Viktor Gyokeres.
Viktor Gyokeres ayaa indhaha kooxo badan soo jiitay kaddib bandhig cajiib ah oo uu ka sameeyay Sporting Lisbon, balse Arsenal ayaa u muuqata inay horumar ka sameysay tartanka ka dhanka ah Manchester United.
Gyokeres ayaa noqday bartilmaameed weyn oo ay u hanqal taagayaan United, iyadoo weeraryahanka reer Sweden uu farriin xooggan diray kulankii ugu dambeeyay ee Ruben Amorim ee garoonka Sporting. Xiddigan ayaa saddexleey cajiib ah ka dhaliyay kulankii ay Sporting 4-1 ku garaaceen Manchester City ee Champions League.
Waxaa suurtogal ah in Gyokeres la heli karo waqti dhow. Naadigiisa hadda waxey isku dayayaan iney dhimaan qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa, iyadoo sidoo kale la sheegay in kooxda reer Portugal ay diyaar u tahay inay ku iibiso xiddiga xagaaga dambe adduun dhan £63 milyan.
Taas ayaa ka dhigtay in Arsenal iyo Chelsea ay heegan galaan maadaama ay ku dadaalayaan inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda, halka Arsenal ay haatan ku jirto ololaheedii saddexaad oo xiriir ah. Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay ku raad joogtay weeraryahankan muddo 12 bilood ah.