Arsenal iyo Chelsea oo ku biiray tartanka loogu jiro xiddiga Barcelona Ronald Araujo

Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku biireen tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Ronald Araujo , iyadoo wadahadaladu ay dhici doonaan isbuucaan.

Horaantii bishaan ayaa la sheegay in Araujo uu doonayo inuu sii joogo Camp Nou maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu bandhiga wanaagsan tan iyo markii Xavi uu yimid garoonka, wuxuuna la socdaa mashruuca maamulaha ee kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, taasi kama aysan joojin wararka la isla dhexmarayo iyo xiisaha loo qabo helitaanka 23 jirkaan, iyadoo Manchester United iyo Juventus ay ka mid yihiin kooxaha isha ku haya xaaladiisa .

Express ayaa haatan warinaysa in Arsenal iyo Chelsea ay sidoo kale xiiso u muujinayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay, kaasoo aan weli heshiis cusub la gaarin kooxda reer Spain, isagoo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay 2023.

Barca ayaa la rumeysan yahay inay iibiso xagaaga marka la eego heshiiska xidiga oo fashilmay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*