Arsenal iyo Everton oo xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma Steven N’Zonzi?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma Steven N’Zonzi ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo muuqday mid bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal iyo Everton .

N’Zonzi ayaa sanadkii ugu dambeeyay amaah ku qaatay kooxda Rennes isaga oo wadar ahaan 27 kulan u saftay kooxda reer France tartamada oo dhan.

Iyadoo 32 jirkaan uusan mustaqbal ku laheyn kooxdiisa rasmiga  Foot Mercato ayaa sheeganeysa inay socdaan wadahadalo ku saabsan joojinta qandaraaskiisa.

Waxyaabaha soo kordha ayaa saameyn ku yeelan kara Rennes, oo looga baahan doono inuu go’aansado haddii ay rabaan inay sii hayaan adeegyada N’Zonzi si ku meel gaar ah ama ay u siiyaan heshiis dheer

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheeganeysa in Arsenal iyo Everton ay u badan tahay inay isha ku hayaan xaalada ka hor inta aysan dalab ka gudbin ciyaaryahanka bisha Janaayo.

Ciyaaryahankii hore ee Blackburn Rovers iyo Stoke City ayaa sameeyay 195 kulan oo horyaalka Ingariiska ah intii u dhaxeysay 2009 iyo 2015.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*