Home Horyaalka Ingiriiska Arsenal iyo Man City oo xiiseynaya kubadsameeyaha reer Spain Isco – warbixin

Arsenal iyo Man City oo xiiseynaya kubadsameeyaha reer Spain Isco – warbixin

0

Arsenal iyo Manchester City ayaa xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Spain.

The Sun , ayaa warinaysa in Isco uu ku wargaliyay Real Madrid rabitaankiisa ah inuu ka tago Bernabeu suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Isla qodobka ayaa sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada hadii ay doonayaan kooxo doonaya inay ku bixiyaan £ 45m ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain.

Sida laga soo xigtay isla sheekadaas, Zinedine Zidane ayaa diyaar u ah inuu u ogolaado Isco inuu ka tago kooxda reer Spain madaama uusan ciyaarin xilli ciyaareedkaan.

Warbaahinta Isbaanishka ayaa sheeganeysa in Arsenal iyo Manchester City ay labaduba xiiseynayaan 28 jirkaan laakiin labada kooxood ayaa tartan kala kulmaya labada kooxood ee ka ciyaara Serie A ee Juventus iyo AC Milan.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Real Madrid ay doorbideyso inay iibiso Isco suuqa kala iibsiga ee soo socda halkii ay u ogolaan laheyd ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain inuu wax lacag la’aan ah kaga tago dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee 2022.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here