Arsenal iyo Man United oo ku biiray liiska kooxaha doonaya xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in kooxaha Arsenal iyo Man United ku biireen liiska dheer ee kooxaha doonaya xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 18-jirka ah ayaa kooxaha waaweyn ku soo jiitay bandhigyadiisa qeybtii hore ee xilli ciyaareedka. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhaliyay labo gool seddex kalena caawiye ka ahaa kaliya seddex kulan oo Bundesliga ah..

Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa la sheegay, iyadoo ay weheliyaan labada naadi ee reer England, sida lagu sheegay warbixin ka timid Todo Fichajes . Ka dib markii uu 10 sano ku qaatay qaybta dhalinyarada ee Cologne, Wirtz wuxuu ku biiray Leverkusen bishii Janaayo 2020.

Kubadsameeyaha ayaa loo gacan geliyay kulankiisii ​​ugu horreeyay bishii May ee sanadkii hore. Wuxuu noqday Die Werkself ciyaaryahankii ugu yaraa ee ugu horeeya qeybta, markii uu jiray 17 sano iyo 15 maalmood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*