Home Wararka Ciyaaraha Maanta Arsenal iyo Manchester United Kooxdee ayaa loo badiyay in ay badin karto...

Arsenal iyo Manchester United Kooxdee ayaa loo badiyay in ay badin karto kulanka soo socda

0

Kulan adag ayaa nagu soo wajahan maalinta Sabtida kaasi oo u dhaxeeya Kooxaha Arsenal iyo Manchester United waana mid kamid ah kulamada ugu adag ee horyaalka lakin inta aanan galin cida warbaahinta badankooda u saadaaliyeen badinta kulankan waxaa dib u eegeenaa xaaladaha guud ee labada kooxood.

Arsenal oo lagu ciyaarayo gurigeeda Waxay ku jirtaa mid kamid ah waqtigeeda ugu feecnaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay sababo la xiriira guulaha ay gaareen waxayna doonayaan guusha kulankan si ay u arkaan iyagoo ka hormaray kooxda Chelsea oo hada dhibco wadaaag yihiin taasi oo ah sharuuda ugu adag ee hor yaalla.

Manchester United ayaa isku aragtay iyadoo fadhisa booska 2-aad ee horyaalka kadib guul daradii ugu danbeysay waxana guul daro kale ay keeni kartaa in ay isku aragto booska 3-aad ee horyaalka.

Falanqeyaasha kulankan falanqeeyay waxay badi isku raaceen badinta kooxda Manchester United sababo badan iyadoo markasta ay dhici karaan isbadal heerka labaad ayaa laga dhigay in bar-baro ay ku kala bixikaraan labada kooxdood halka rajada Arsenal laga dhigay heerka 3-aad.

Natiijada kulanka adag ayaana noqon-doona mid aanan lagu dag dagi karin hada marka la eego labada kooxood iyo halka ay ku suganyihiin.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here