Sida laga soo xigtay Le10 Sport , Arsenal iyo Manchester United ayaa labaduba ku jira wadahadalo horumarsan oo ay ku doonayaan saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix bisha Janaayo.
Labada kooxood ee ku xifaaltama Premier League ayaa u baahan weeraryahan cusub. Labadoodaba waxaa lala xiriiriyay magacyo badan toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin haddii warbixinta la rumeysan yahay, waxay waji ka waji u galayaan tartanka loogu jiro saxiixa Felix.
Atletico Madrid ayaa 113 milyan ginni kula soo wareegtay Felix oo kaga soo biiray Benfica xagaagii 2019 ( BBC ). Saddex sano ka dib, xidigan ayaa noqonaya mid dagaal adag loogu jiro.
Agaasimaha guud ee kooxda Atleti Gil Marin ayaa horaantii bishan daaha ka qaaday in xidhiidhka ciyaartoyga iyo maamulaha aanu meel fiican ahayn. Waxa uu furay albaabka suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, taasina waxay heegan galisay kooxo badan.