Arsenal iyo Tottenham oo ku dagaalamayaan daafaca Lyon Joachim Andersen.

Labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa u muuqan kara inay la soo wareegaan daafaca Lyon Joachim Andersen xagaagan 25 jirka ayaa soo jiitay xiisaha ay u qabaan kooxo badan oo Premier League ah ka dib xilli ciyaareed cajiib ah oo amaah ah oo uu la qaatay Fulham Sida laga soo xigtay The Athletic.

Andersen wuxuu ku biiri karaa midkood Tottenham Hotspur ama Arsenal xagaagan Daafaca deenishka ayaa soo jiitay sidoo kale kooxda Manchester United sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo kooxda London dhisan ee Fulham.

Joachim Andersen ayaa Fulham kaga soo biiray kooxda Lyon amaah hal xilli ciyaareed ah xagaagii hore Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii u soo muuqday xilli ciyaareed kale oo liita Premier League kooxda Scott Parker Fulham ayaa u laabatay heerka labaad ee Premier League ka dib markii ay keensadeen kaliya 28 dhibcood, iyagoo ku dhameysteen booska 18aad.

Andersen ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Lyon xagaagan laakiin wararka ayaa sheegaya in 25 jirka uu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto Andersen inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee David Luiz.

 

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*