Arsenal, Liverpool oo ku baratamayad qiimaha Yeremi Pino

Villarreal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsan doonto dalabyada u dhexeeya €40m (£33.9m) iyo €50m (£42.3m) oo ay Arsenal iyo Liverpool ku doonayaan Yeremi Pino.

Labada kooxood ee Premier League ayaa dhawaan lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi karaan 19-jirka garabka ka ciyaara, halka kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ay sidoo kale xiiseyneyso.

Pino ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku qaatay kooxda ugu sareysa ee Unai Emery waxaana uu diiwaan geliyay 14 gool iyo shan caawin 77 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Laacibka heerka caalami ee dalka Spain ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Jaallaha ah xilli ciyaareedkii hore, isagoo shabaqa soo taabtay todobo jeer, waxaana uu diiwaan geliyay afar caawin 38 kulan oo uu ciyaaray La Liga iyo Champions League.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in ay jirto ‘xiisihii ugu xooganaa’ ee Pino oo ka imaanaya kooxaha Premier League, iyadoo Villarreal ay haatan isku diyaarineyso dalabyo macquul ah suuqa kala iibsiga xagaagan.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*