Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal Mise Manchester City saadaal cusub laga sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska...

Arsenal Mise Manchester City saadaal cusub laga sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League

0

Kaddib markii ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen Arsenal iyo Manchester City, waxa saadaal cusub laga sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyadoo la eegayo awoodda kooxaha, heerka dhamaystirka, ciyaartoyda ay haystaan ee boos walba iska sugaya iyo arrimo kale.

Halyeygii Liverpool ee Jamie Carragher ayaa markii ay soo dhamaatay ciyaartii Manchester City iyo Arsenal, waxa Jamie Carragher oo fadhiyey istuudiyaha telefishanka Sky Sports, ayaa waxa uu sheegay in uu wali rumaysan yahay in saadaasha dhamaadka xilli-ciyaareedku ay noqon doonto sidii uu u malaynayey ka hor intii aanu bilaabmin xilli-ciyaareedku.

Jamie Carragher waxa uu sheegay in ay tartan adag geli doonaan kooxaha saddexda ah ee Manchester City, Liverpool iyo Arsenal, horyaalkuna uu yahay mid iyaga u dhexeeya, waxaana uu meesha ka saaray Manchester United iyo Chelsea oo xilli-ciyaareedkan u muuqda inay fiican yihiin.

Jamie Carragher oo arrimahan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in ay noqon doonto sidii xilli-ciyaareedkii hore oo kale oo ay Liverpool waxyar ka dambaysay labadan kooxood.

“Xilli-ciyaareedka dambe, waxa run ah inay horumar samaynayaan [Liverpool] si ay ugu tartamaan horyaalka, waayo tababaruhu wuxuu si fiican u baran doonaa ciyaartoydiisa.

“Bal xasuuso, wali wax ciyaartooyo ah kooxda ma aanu keenin. Kooxdu waa tii xilli-ciyaareedkii hore uun, walina waxay ila tahay inay kaalinta saddexaad ka gelayaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.”

Jamie Carragher oo la weydiiyey kooxda horyaalka ku guuleysan doonta, waxa uu ku jawaabay: “Waxay ila tahay in Manchester City ay ku guuleysan doonto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here